Odyaasha Dhaqanka Gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay soo dhaweeyaan Ansixinta Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Suldaan Maxamed Axmed Warsame (Gardheere) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Taageero iyo duco ay la garab Taagan yihiin Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre ee shalay la Ansixiyay .
Suldaan (Gardheere) ayaa sheegay in Arintaan ay uga mahad celinayaan Xildhibaanada Golaha shacabka Meel mariyay Golaha wasiirada Cusub isaga u rajeeyay in wax qabad ay la yimaadaan
Shalay ayay ahayd markii Xildhibaano gaaraya 229 Mudane oo ka Tirsan Golaha shacabka u codeeyeen Xukuumadda waxaana diiday 7 xildhibaan iyadoona uu ka aamusay 1 Xildhibaan sidaasna Xukuumadda lagu dhaariyay oo Ansax ah ku noqotay.
Hoos ka Dhageyso Waraysiga Suldaan (Gardheere)