Israa’iil iyo Islaamik Jihaad oo ku heshiiyay in Xabada ay joojiyaan

0
18

Xabbad joojin u dhaxaysa Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa dhaqan gashay ka dib saddex maalmood oo ay socdeen duqaymo ay ku dhinteen ugu yaraan 43 qof.

Mitidiinta Islamic Jihad  ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in xabbad joojintu bilaaban doonto 23:30 wakhtiga maxaliga ah ka dib wadahadal ay ka shaqaysay Masar.

Xafiiska Ra’isal wasaaraha Israel Yair Lapid ayaa xaqiijiyay xabad joojintaasi in ay jirto.

Dagaalkan ugu dambeeyay ayaa ah kii ugu cuslaa ee u dhaxeeya Israel iyo Falastiiniyiinta Qasa tan iyo dagaalkii socday 11 maalmood bishii May 2021.

Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay in ay duqaymo ku hayaan bartilmaameedyada Islamic Jihad ee Qasa  iyadoo xabad joojintan ay dhaqangashay waxaanay sheegeen in ay ka falcelinayeen gantaallo la soo tuuray wax yar ka hor, warbaahinta Israel ayaa daqiiqado ka dib sheegtay in qaar ka mid ah gantaalladaas laga soo riday Qasa.

Laakin xabbad joojintu waxay u muuqataa inay sii dhaqan geli doonto.

Fiidnimadii Axadda, wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in 15 carruur ahi ay ka mid ahaayeen 43 qof oo ku dhintay duqaymahaas.  Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa ku eedaysay “Israel garradada” ay ku dhinteen Falastiiniyiintaasi kuna dhaawacmeen in ka badan  300 oo qof.

Aroornimadii hore ee  Axadii ayaa gantaalo laga riday dhanka Qasa ku dhaceen Qudus markii ugu horraysay tan iyo bishii May ee sannakdii hore.

Xabbad joojintan ayaa waxa ka shaqaysaynaysay Masar tan iyo maalintaa ay duqaymuhu bilaabmeen.

Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay maanta oo Axad ah aaska dadkii lagu dilay weerarradii ka dhacay Rafah, ee koonfurta dhulkaas, oo uu ku jiro taliyihii sare ee PIJ Khaled Mansour – oo ahaa sarkaalkii labaad ee ugu sarreeyay ee dhintay. Mudaaharaadyo lagu taageerayo Qasa  ayaa sidoo kale lagu qabtay magaalada Nablus ee daanta galbeed.

Wararka ku saabsan heshiiska xabbad joojinta ayaa daba socday walaac laga qabo xaaladda bini’aadantinimo ee Qasa, iyadoo saraakiisha caafimaadka ay ka digeen in isbitaallada ay haystaan ​​kaliya shidaal ku filan oo ay ku shaqeeyaan matoorayaal laba maalmood oo kale.

“Waan ka mahadcelineynaa dadaalka Masar ee lagu soo afjarayo gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah dadkeena,” ayuu yiri afhayeenka Islamic Jihad Tareq Selmi.

Israa’iil waxay sheegtay inay “ilaalinayso xaqa ay u leedahay inay si adag uga jawaabto” haddii xabbad joojinta lagu xadgudbo.

Israa’iil ayaa ku eedaysay mintidiinta PIJ in ay si lama filaan ah u geysteen ugu yaraan qaar ka mid ah dhimashada gudaha Qasa -iyaga oo sheegtay Sabtidii in kooxdu ay gantaal habaabisay oo ay carruur badan ku dishay Jabalia. BBC ma aysan awoodin inay si madax banaan u xaqiijiso sheegashadan.

Iska horimaadkii ugu dambeeyay ayaa si dhow u daba socda xarigga Israel ee Bassem Saadi, oo la sheegay inuu ahaa madaxa PIJ ee Daanta Galbeed, habeenkii Isniinta.

Waxaa lagu qabtay deegaanka Jenin oo qeyb ka ah howlgalo isdaba joog ah oo socda kadib markii mowjado weeraro ah oo ay geysteen Carabta Israel iyo Falastiiniyiinta ay ku dhinteen 17 Israa’iiliyiin ah iyo labo Ukrain ah. Labo ka mid ah ragga weerarka geystay ayaa ka yimid dhanka degmada Jen.

PIJ oo ka mid ah kooxaha ugu xoogan ee ka howlgala Qasa ayaa waxaa taageerta Iran, waxaana xaruntooda ay ku taal caasimada dalka Siiriya ee Dimishiq.

Waxay mas’uul ka ahayd weeraro badan, oo ay ku jiraan gantaallo iyo toogashooyin ka dhan ah Israa’iil.

Bishii Noofambar 2019, Israa’iil iyo PIJ waxa ay dagaalameen iskahorimaad shan maalmood socday ka dib dilkii ay Israa’iil ku dishay taliyihii PIJ kaas oo ay Israa’iil sheegtay in uu qorsheynayay weerar soo socda. Rabshadahaas waxaa ku dhintay 34 Falastiiniyiin ah 111 kalena waa ay ku dhaawacmeen,halka 63 Israa’iiliyiin ah ay u baahdeen daweyn.

Israa’iil waxay sheegtay in 25 ka mid ah Falastiiniyiinta la dilay ay ahaayeen mintidiin, oo ay ku jiraan kuwa la garaacay oo isku diyaarinayay inay ridaan gantaallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here