Ciidanka Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya oo qabtay Baabuur ay saarnaayeen Agabka laga sameeyo Qaraxyada

0
36

Ciidanka Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay gaari siday walxaha qarxa, oo ka gudbay xaduudka Puntland ay la wadaagto DDS ee gobalka Doollo.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga oo ahaa nooca loo yaqaan โ€˜Dheynahaโ€™, sidayna noocyada kala duwan ee Agabyada laga sameeyo qaraxyada uu ka gudbay xadka DDS ee degmada Goldogob ee gobalka Mudug.

Walxahan qarxa ayaa la rumeysan yahay in yoolkiisu ahaa sidii uu kugali lahaa gobalka Doollo, waxaana la aaminsan yahay in uu kusocday magaalooyinka waa weyn.

Majirto faahfaahin dheeraad oo dhacdadan ah, balse maanta ayay Taliska ciidanka Liyuu Police-ku soo bandhigeen waxyaabaha qarxa oo fara badan oo ladoonayey in lagu dhibaateeyo shacabka magaalooyinka iyo gaadiidka wadooyinka isticmaalaya.

Al-Shabaab ayaa xoojisay dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan dhulka DDS, iyagoo dhowaan ka weeraray xadka Deegaanka Soomaalidu la wadaago goballada Bakool iyo Hiiraan, waxaana iyaga iyo Ciidanka gaarka ah ee deegaanka โ€œLiyuu Booliskaโ€ dhexmaray dagaal sababay dhimasho boqolaal kamid ah labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here