Qaraxyo ay dad ku dhinteen, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen ayaa Maanta ka dhacay deegaanka Biroole ee gobolka Jubbada hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa miino uu marka hore qabsaday gaari ay saarnaayeen dad xoolo dhaqato ah, islamarkaana ay ku geeriyoodeen 4 qof, halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dad doonayay in ay gurmadaan dadka khasaaraha ka soo gaaray qaraxa koowaad ayaa iyagu markale la kulmay qarax labaad, waxaana la xaqiijiyay in 2 qof ay ku geeriyoodeen, halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose loogu geystay mid kamida saraakiisha ugu caansan deegaanada Jubaland
Sarkaalkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Korneyl Maxamed Buule ayaa kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka qeybta 43aad ee ka howlgalla Kismaayo iyo hareereheeda.
Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamadda amaanka oo goobta ka agdhawaa ay toogteen ninkii hubeysnaa ee dilka sarkaalkan ka danbeeyay, waxaana socda baaritaano ku aadan sababta ka danbeysa toogashada uu ninkan u geystay sarkaalka iyo cida soo adeegsatay.