Shacabka Dalka Kenya oo Maanta u dareeray Goobaha Cod bixinta

0
36

Shacabka dalka Kenya ayaa u dareeray goobaha codbixinta, iyada oo dalkaasi uu yahay mid si weyn ugu tiirsan farsamada casriga ah ee loo isticmaalo codaynta, hubinta codbixiyaha iyo weliba soo gudbinta natiijada doorashada madaxtinimada.

Guddiga doorashada ee Kenya oo udub dhexaad u ah, qabsoomida doorashooyinka dalkaas, ayaa haatan isku dayaya inay nadiifiyaan sumcaddooda, ka dib markii maxkamadda sare ay baabiโ€™isay natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2017, sababo la xidhiidha wax is-daba marin.

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in guddiga doorashada ee Kenya ay xalay si kumeel gaar ah u hakiyeen codeynta doorashada guddoomiyayaasha Ismaamulada Mombasa iyo Kakamega ee dalka Kenya.

Guddiga doorashada ee Kenya ayaa sheegay in la qorsheeyey in codbixiyayaashu ay ka codeeyaan in ka badan 46,000 oo goobood oo ku kala yaalla guud ahaan dalkaas. Boya Molu oo ka mid ah guddoomiyayaasha guddida madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa sheegay in guddigoodu ay haatan si dhamaystiran ugu diyaargaroobeen qabashada doorashada.

โ€œDhammaan shaqaalihii waa la tababaray, si sax ah ayaa loo fahamsiiyey isticmaalka farsamada casriga ah, si loo aqoonsado codbixiyayaasha, iyada oo loo marayo hannaanka farsamada casriga ah iyo sharciyadda doorashada โ€ฆ nidaamka doorashada lagu maamulayo waa la diyaariyey, waxaanna haatan u diyaar garownay in iridaha loo furo goobaha codbixinta, marka la gaadho 6-da subaxnimoโ€ ayuu yidhi Boya Molu.

Maalinimadii Axaddii, guddida doroashada ayaa shaqada ka eryey afar sarkaal oo ka tirsan guddida doorashada, oo lagu eedeeyey inay la kulmeen musharrax si ay gacan uga geystaan ku shubashada codbixinta goobaha galbeedka dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here