Xukuumadda Soomaaliland iyo xisbiyada Mucaradka oo Heshiis gaaray

0
16

Magaalada Hargeyso waxaa Maanta ka dhacay  shir weyn oo u dhexeeya masโ€™uuliyiin ka socota xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka ah, kulankan ayaa la sheegay in ay dalbadeen xukuumadda.

Shirka waxaa xukumada Soomaliland ku metelayay Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, halka Xisbiga UCID ay metelayeen gudoomiye Faysal Cali Waraabe, Afhayeenkiisa iyo mid kamida gudoomiye kuxigeenada,

Gabagabadii kulankaa ayaa waxaa la isku afgarday in xukumada Somaliland ay fasaxdo bananbaxyada ay dalbadeen Xisbiyada Mucaardka .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe ayaa gabagabadii kulanka lahadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in la isku afgarday in uu dhaco banaanbaxa ay qorsheeyeen mucaardka Somaliland.

Xukuumadda Soomaaliland iyo Mucaaradkeeda ayaa maalamaahaan waxaa ka dhexeeyay Khilaaf ku aadan qabsoomida doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here