Alshabaab oo Toogasho ku dishay 6 Nin

0
17

Al-Shabaab ayaa goob ah fagaare oo ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay rag ay ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey sirdoonnada dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya.

Raggaan la dilay oo gaaraya illaa 6 nin ayaa Al-Shabaab waxa ay shaacisay in ay mas’uul ka ahaayeen duqeymo kala duwan oo lagu beegsaday kooxda, kuwaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka oo dhaca koonfurta waddanka Soomaaliya.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dhammaan ragga la dilay lagu helay eedeymaha loo soo jeediyey, kadibna xukunkii lagu ridday maanta lagu fuliyey.

Dadka Alshabaab ay toogteen ayaa magacyadooda waxaa lagu kala
sheegay:

1-Cabdirisaaq Ciise Axmed (Maqas) oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka
Mareykanka.

2-Xasan Gaarane Muuse (Dr Ayuub), oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey
sirdoonnada Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya, uuna qayb ka ahaa 20 duqeymood.

3-Cabdullaahi  Cali Ismaaciil oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada uu
Mareykanka tababaray ee Bangaraafta iyo kuwa Jubbaland.

4-Shire  Yuusuf Xersi oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka
Mareykanka, uuna bixiyey xogta 10 ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaaba

5-Axmed  Muqtaar Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada
maamulka Jubbaland.

6-Ismaaciil  Cabduweli Cismaan oo ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayey sirdoonka
dowladda Mareykanka.

Al-Shabaabayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay dilalka toogashada, waxaana ugu
dambeeyey todobadii qof ee bishii hore lagu dilay fagaare ku yaal deegaanka
Buulaay ee gobolka Baay, kuwaas oo iyaguna lagu eedeeyey inay ahaayeen dad
jawaasiis ahaa.

Arintaan ayaa ku soo beegmaya, xilli ay haatan kooxdu sare usii qaaday weerarada ay ka fuliso
gudaha dalka iyo kuwa ay ku qaado waddamada Kenya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here