Dibad baxyo ka dhacay Magaalada Hargeysa

0
35

Banaanbaxyo waaweyn ayaa saaka hal mar si isku mid ah uga bilowday gobolada Somaliland, iyadoo banaanbaxyadan ay soo abaabuleen xisbiyada mucaaradka ah ee Wadani iyo UCID.

Dibadbaxa waxaa horay u shaaciyay xisbiyada mucaaradka oo ka gadoodsan hannaanka maareynta doorashada madaxweynaha iyo diiwaangelinta ururada siyaasadda.

Dowladda ayaa u oggolaatay xisbiyada mucaaradka inay ku dibadbaxaan meelo kooban oo la cayimay, taas oo ay xisbiyada mucaaradku ka hor yimaadeen.

Ciidamada ammaanka ayaa rasaas nool nool u adeegsaday qaar kamid ah dibadbaxyadii maanta ka dhacay Hargeysa iyadoona laso sheegaayo in ay ka dhasheen dhaawacyo kala duwan.

Helitaanka xogta banaanbaxa ayaa ah mid adag, maadaama xukuumadda Somaliland ay damisay ama jartay khadkii Internetka, si ay u yareyso in dadka ay si fudud kula socdaan banaanbaxyadan oo ah kuwo maalmihii lasoo dhaafay uu abaabulkiisa si xowli ah ku socday.

Qaar kamid ah dadkii dibadbaxa ka qeybgalay ayaa dareenkooda warbaahinta la wadagay .

Dibadbaxa waxaa horkacaayay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah waxaana dadweynihii mudaaharaadka ka qeybgalay meel fagaaro ah kula hadlay Musharraxa xisbiga mucaaradka ee wadani C/raxmaan ciro isagoona sheegay in ay dibadbaxyada sii wadi doonaan illaa doorashada waqtigeeda ay ku qabato xukuumadda muuse biixi.

Dhinaca kale Maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa waxa uu sheegay in wax dhibaato ah aysan ka dhalan dibadbaxyadii maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here