Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa barqanimadii Maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Teedaan oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada is garabsanaya ayaa la tilmaamay iney si nabadgalyo ah kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Teedaan, kadib markii Al-shabaabkii halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen deegaanka
Ciidanka Maanta la wareegay deegaanka Teedaan waxaa la socday oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay howlgaladooda qeyb ka ahaa Xildhibaanada kala ah Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye iyo Maxamed Cabduqaadir Maxamed, waxaana howlgaladaani hoggaaminaayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sheegay iney ka go’an tahay inuu Al-shabaab ka xoreeyo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.