Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan oo ay weheliyaan masuuliyiinta Hay’adda ee faraca Puntland.
Kulanka Madaxweyne Deni iyo madaxa Hay’ada Save the children ayaa looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Hay’adda Badbaadada Caruurtu ka waddo gobolada Puntland, ka qayb-qaadashada gurmadka Abaaraha iyo xoojinta xiriirka wada-shaqaynta Hay’adda iyo maamulka Puntland.
Tallaabadaan ayaa ku soo beegmeysa Xilli Abaaro ay ka jiraan degaano badan oo ka tirsan goboladsa Dalka .




