Mucaaradka Soomaaliland oo Gudi u saaray khasaaraha ka dhashay banaan bixii ka dhacay Magaalada Hargeysa

0
20

Xisbiyada mucaaradka Waddani iyo UCID ee Somaliland ayaa si wada jir ah u Magacaabay Guddi ka kooban Sagaal Xubnood, kuwaas oo baaritaano ku sameeynaya dhibaatadii ka dhalatay dibadbixii rabshadaha watay ee 11kii bishan ka dhacay Magaalooyinka Somaliland.

Guddi ka kooban sagaalka xubnood ayaa u badan Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland ee axsaabtaan Mucaaradka kasoo jeeda.

Qoraalka ka soo baxay Axsaabta Mucaaradka ee Waddani & UCID ayaa lagu muujiyay in Guddiga uu soo gudbin doonno dhammaan khasaarihii ka dhashay is hor istaagga ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi kala hortagay bannaanbaxa.

Xubnaha Guddiga ee la magacaabay ayaa kala ah:

1: Xildhibaan Siciid Maxamed Ismaaciil (Sokeeye)

2: Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun

3: Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir Mooge

4 Xildhibaan Axmed Khaliif Jaamac Saalax

5: Maxamuud Aadan Jaamac Galaal

6 Marwo Aamina Cilmi Fariid

7: Mudane Yoonis Axmed Yoonis

8: Xildhibaan Siciid Cabdisamad Axmed

9: Garyaqaan Maxamed Saalax Cige

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan kula qaatay Madax dhaqameedka Somaliland Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Magaalada Hargeysa.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedada ugu wayn ee kulanka ay ahayd ka wada shaqaynta arrimaha nabadgelyada iyo sidii dhinac looga soo wada jeesan lahaa cidkasta oo wax yeelaynaysa nabadgelyada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here