Puntland oo Xukun ku riday 4 Nin oo lagu Eedeeyay in ay Daacish ka Tirsan yihiin

0
16

Maxkamadda Racfaanka ee Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa xukun dil ah ku riday afar xukumane oo kamid argagixisada, kuwaas oo dilal ugu geystay gobalka Bari, qaar kamid ah haldoorka Puntland.

Xubnahan oo horeyto ay xukun dil ah ugu riday Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida ee 5 gobal ee Puntland, ayaa kala ah:

1. Amiirka kooxdaan abdiririxman Tusbaxle
2. Ayuub Cumar shire
3. Abdulahi salaad Boos Mahoonge
4. Maxamuud abshir muuse olyo

Sidoo kale, Maxkamadda Racfaanka ayaa dib u dhigtay xukunka Cabdirixman Shirwac Ciise (Laahoor), oo maqane ah horayna Maxkamada darajada koowaad ay Dil toogasho ugu xukuntay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here