Aqoon yahan Cali Xisbi oo ka soo jeeda Degaanada Galmudug ayaa ka hadlay Waxyaabaha Hortabinta leh ee Horyaala Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamze Cabdi Barre
Aqoon yahan Cali Xisbi ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay in Xukuumadda Ra’iisal Wasare Xamza Cabdi Barre ay ka shaqeeyso sugida Amniga iyo sidii Gurmad loogu fidin lahaa Dadka Abaaraha ay ku saameeyeen gobolada Dalka
Sidoo Kale Mudane Cali Xisbi ayaa faray Xukuumadda Cusub in ay Furto Jidadka Xiran ee dhagaxayada ay yaalaan si Dadka shacabka ah iyo Gaadiidka Ugu sahlanaato in ay isticmaalaan Wadooyinkaasi’ Waxaa uu ka shan qariyay in Magaalada Muqdisho Maqaam gaar ah ay yeelato si ay ula mid noqoto Degaanada kale ee Dawlad Goboleedyada.
Ugu Dambeeyntii Mudane Siyaasi ahna Aqoon Yahan Cali Xisbi ayaa kula dardaarmay Madaxda Dawlad Goboleedyada in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Xukuumadda Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre.
Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Aqoon yahan Cali Xisbi: