Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la qaatay Gudiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland.
Guddiga ayaa Madaxweynaha War bixin ka siiyay ururrada siyaasadda ee buuxiyey shuruudihii diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda kuwaas oo tiradoodu dhantahay 15 Urur Siyaasadeed.
Madaxweynaha Somaliland ayaa gudigaan uga mahadceliyay shaqada ay hayaan waxaana uu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan shaqada.