Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in muddo todobaad ah oo ay hawlgal ka wadeen waddada u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan, ee gobolka Hiiraan ay keentay in laga saaro Al-Shabaab saldhigyadii ay halkaasi ku lahaayeen.
Taliyaha Ciidamada Lugta Xoogga Dalka Soomaaliya, Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi, oo ku sugan jiidda dagaalka ee gobolka Hiiraan, ayaa BBC-da u sheegay, in todobo ciidamadooda ah ay ku dhinteen dagaalka, isla markaana ay jiraan dhawaacyo soo gaaray qaar kamid ah askarta.
Janaraal Biixi ayaa waxa kale oo uu sheegay in khasaare ballaaran ay gaarsiiyeen ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jayte cusmaan ayaa dhankiisa kahadlay Hawlgalka ay ka wadaan degaanada Gobolka Hiiraan