Dhageyso: Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka

0
24

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

Waxaa loo diiwaan geliyey inay Imtixaanka galeen  34,469 oo ardayda,balse waxaa u fariisatay in  ku dhow 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray Imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Tirada guud ee baastay Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay waa 32,325 arday oo u dhiganta 97%,Waxaa ku dhacday  Imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3%.

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday Imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay Imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa ku  dhacday Imtixaanka shahaadiga .

2 – Deegaanada Galmudug 7 arday ayaa dhacday Imtixaanka shahaadiga .

3 – Deegaanada Jubbaland 6 arday ayaa dhacday Imtixaanka shahaadiga .

4 – Deegaanada Hirshabelle 6 arday ayaa dhacday Imtixaanka shahaadiga.

5.Gobolka Banaadir waxaa dhacday 1100 arday.

Khaalid Cabdullahi Maxamuud oo ka baxay Iskuulka Iftin degmada Warta-nabadda gobolka Banaadir ayaa noqday ardayga galay kaalinta koowaad ee imtixaanka shahaadiga ah dugsiyada sare ee dalka.

Hooyada dhashay Ardayga  kaalinta 1aad galay oo warbaahinta lahadalshay ayaa sheegtay in ay wilkeeda juhdi ku bixisay asagoona kasoo dhalaalay juhdigii lagaliayay

Ugu danbeyntii Wasiirka Waxbarashada DFS Farrax Shiikh abduqadir ayaa Hambalyo udiray ardaydii baastay Imtixaanaadka shaahaadiga ee Dugsiga Sare

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan arday lahakiyay natiijada imtixaanaadkooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here