Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshisiinta Xukuumadda Soomaaliya AXmed Macalim Fiqi ayaa Xarunta Wasaaradda kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo. Iftikhar Ahmad Shaheen Madaxa Hay’ada USAID Soomaaliya.
Kulanka waxaa Wasiirka Arimaha Gudaha ku weliyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Ilyaas Cali Xasan ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Cabdixakiim Hasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda
Ibarasho ka dib Wasiirka Wasaarada ArimahaGudaha ayaa ka dhageystay Md.Iftikhar Ahmad oo ah Madaxa Hay’adda USAID Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo Warbixino ku saabsan hogaaminta dedaallada xasilinta ee Hay’ada TIS+3/USAID.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa ballanqaaday in Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u heshisiinta ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Hay’ada TIS+3/USAID ee hoggaaminta barnaamijka xasilinta iyo dedaallada.




