Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Maxamed Xasan Maxamed, ayaa dalka Tansaaniya kaga qeyb galay shir looga hadlayay horumarinta Caafimaadka Afrika .
Shirka Waxaa Hal ku dhig looga dhigay “Horumari caafimaadka, horumari Umadda” waxaana soo qaban qaabisay xarunta Afrika ee xakamaynta iyo kahortagga cudurrada (Africa CDC) oo ah hay’ad farsamo oo ka tirsan Ururka midowga Afrika, taasoo oo ka caawisa dowladaha xubnaha ka ah Ururka dedaallada ay ku qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka ee bulshada, iyagoo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta iyo siyaasadooda.
Madsha shirka waxaa ka qayb galay wafuud ka kala socotay wadamo kala duwan oo Afrikaan ah waxaana looga dooday waxyaabihii u qabsoomay xubnaha Ururka Afrika ee CDC, caqabadaha hortaagan guddiga fulinta qorshayaashooda iyo ugu dambayntii, heerka hoggaamineed ee guddiyada heer Wasaaradeed.


