Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Cusub ee wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya oo shir uga qayb galay dalka Turkiga+ Sawiro

0
20

ย Wafdi uu Hogaamniayo Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaga qeyb galay shirka dhamaystirka deyn-cafinta ee Soomaaliya iyo Hayโ€™adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay IMF.

โ€œWaxa aan shirka muddada uu socdo ku lafa-guridoonnaa dib-u-habeynta maaliyadda, iyo shaqooyinka muhiim ka u ah Horumarinta dhaqaalaha dalka oo ay ka mid tahay kobcinta dakhliga gudaha, ayuu yiri Dr; Cilmi Maxamed.

Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay ka goโ€™an tahay ka guul-gaaridda horumarinta maaliyadda oo ku dhisan mustaqbalka wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ugu Dambeeyntii’ Wafdi Wasiirka Maaliyada ee shirka uga qayb galay Dalka Turkiga ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here