Kenya oo Safiir Cusub u soo magacaawday Soomaaliya

0
21

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Jeneraal Thomas Chepkuto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ugu hiorreyn soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Kenya ee dhowaan la soo magacaabay, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hore loo dhaqaajiyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal ee deriska, iyadoo laga ambaqaadayo aragtida ballaaran ee ka shaqaynaysa dano wadaagga. Wasiirku waxa uu hambayo u mariyay Safiirka Madaxweynaha la doortay ee Kenya, William Ruto.

Dhinaca kale’ Safiirka Cusub ee Kenya u soo magacaawday Soomaaliya Thomas Chepkuto ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsanyahay qaabiladda uu u sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo ku nuux-nuuxsaday sida dalkiisu ugu faanayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kuna dadaali doono sare u qaadiddiisa si ay ku jirto rabitaanka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here