Maamulka Hirshabeelle oo Xaliyay Xiisad ka dhalatay dilal ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

0
39

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ayaa gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo degaanno hoostaga ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha iyo Xildhibaan ayaa xal ka gaaray dilal ay sababeen Annoying qabiil oo muddooyinkii danbe kajiray duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Waxgaradka degaanka ayaa u mahad celiyay dhamaan masuuliyiintii ka qeeyb qaatay Xalinta colaadan, si gaar ahna waxay ugu mahad celiyeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo qaatay masuuliyadii waxii dhacay oo dhan.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dilal la xiiray annoying qabiil ay ka dhacayeen degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ugu danbeeyn xal lagag gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here