Madaxweyne Qoor Qoor oo Xariga ka jiray Dugsiga Sare ee degmada Cadaado

0
20

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor , ayaa xariga ka jaray Dugsiga Sare ee degmada Cadaado, waxaana Munaasabada xarig jarka ku wehliyay Wasiirka Waxbarashada Galmudug, Maxamed Xaashi Dhoore, wasiiro iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo xubno kale, iyadoo maamulka degmada Cadaado ay soo dhaweeyeen xarig jarka dugsigaasi.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug, ayaa sheegay in iskuulkan iyo kuwa kale oo goor dhow la xarig jari doono ay kamid yihiin adeegyada Wasaaradda waxbarashada Galmudug ay u hayso shacabka iyo ardayda Galmudug, waxaana uu wasiirku ka codsaday madaxweynaha Gslmudug in uu xariga ka jaro dhowr iskuul oo kale, maadaama goor dhow uu furmayo sanad dugsiyeedka 2022-2023.

Madaxweynaha ayaa Tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ay kasoo dhalaashay fulinta adeegyada waxbarasho ee horay loo darsay, isagoona madaxweynaha xusay inuu ka jawaabayo codsiga Wasaaradda ee ah xarig jarka dugsiyada kale ee wasaaraddu dhistay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa guud ahaan hambalyo u diray ardayda imtixaanaadka ku galay Galmudug, waxana uu si gaar ah ugu hambalyeeyay ardaygii galay kaalinta 9aad, kaas oo imtixaanka ku galay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale , madaxweynaha Galmudug ayaa kormeeray saldhigga booliska iyo dhismaha Maxkamadda sare ee degmada Cadaado, oo gabi ahaanba ah dhisme cusub oo dhawaan la hirgaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here