Wafdi ka socda Maamulka Koofur galbeed oo gaaray degmada Diinsoor+ Sawiro

0
27

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga ee Maamulka Koofur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi ayaa gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Wadiga waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada KGS Maxamuud Maxamed Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Bay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Biano & Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed Yoonis Aadan Xasan.

Wafdiga Wasiirka Amniga Koofur Galbeed ayaa tagay xeryaha Ciidamada Federaalka, Daraawiishta & kuwa Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan kuwa Itoobiya, waxa ay kulamo gaar ah la qaateen saraakiishii ay la kulmeen.

Sidoo kale wafdiga ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Diinsoor waxa ay kawada hadleen wax ka qabashada goโ€™doonka saaran degmadaas.

Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi ayaa ballanqaaday in uu wax ka qabanayo goโ€™doonka saaran Degmooyinka Gobolkaas lana fulinayo howlgallo la isugu furayo isu gudubka Gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here