Alshabaab oo oo sheegtay in Toogteen Dad badan oo ku sugnaa Hoteel Xayaat

0
20

War qoraal ah oo ay weerarka ka dib soo soo saareeen Alshabaab ayay ku sheegeen in ay gacanta ku hayso dhismahaas oo ay sheegtay in ay “toogteen qof walba”.

“Ilaa hadda, waxaan xaqiijinnay 12 qof oo rayid u badan inay dhinteen,” Maxamed, oo ah sarkaal sirdoon ah oo halkaas magac kaliya sheegtay, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters Sabtidii u sheegay.

Ciidamada Dawlada Federaalka ayay ku adkaatay in ay gudaha u galaan dabaqa mudo saacado ah, sababtoo ah dableydan oo aan tiradooda la garaneyn ayaa la sheegay in ay sidoo kale bam ku burbiriyeen jaranjaradii loo mari lahaa.

Dhinaca kale’ Agaasimaha isbitaalka Madina magaalada Muqdisho ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xaruntooda lagu daweynayo ugu yaraan 40 qof oo ku dhaawacmay weerarka hotelka iyo hoobiyeeyaal kale oo lagu weeraray goobo kale oo ka tirsan caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here