Dhageyso: Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka hadlay Hawlgalkii Ciidanka Dawlada ay ka Fuliyeen Hotel Xayaat

0
43

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed “ Xjiaar” ayaa sheegay in ciidanka amniga ay soo afjareen weerarkii argagixisada ay ku qaadeen Hotelka Xayaat.

Mudadii howlgalka uu socday hay’adaha amniga ayaa xoogga saaray badbaadinta iyo badqabka dadkii goobta ku sugnaa.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay soo badbaadiyeen in ka badan 106-qof oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Hay’adaha aminiga ayaa xaqiijiyay in khasaaraha nafeed ee ka dhashay wejiga hore ee howlgalka uu aad u yaraa, ay ciidanka ku dadaaleen sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka gudaha Hotelka ku jiray.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed “ Xijaar”, ayaa tacsi u diray ehelka dadka shacabka ahaa iyo askartii waxyeelada ka soo gaartay weerarkii badahalnimada ahaa ee nabad-diidka Al-Shabaab ay ku qaaday Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

HalkaanHoose ka dhageyso Codka Taliye Xijaar:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here