Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Baladweyne

0
30

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa cabdi Barre iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Baladweyne.

Shalay Magaalada Beledweyne waxaa gaaray wafdi horudhac u ah socdaalka Ra’iisul Wasaaraha, oo uuhogaaminayay  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxaana sidoo kale tegi doona maanta Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo gogol xaar u noqonaya safarka Ra’iisul Waaare Xamse ee Magaalada Beledweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ujeedka safarkiisa ee magaalada Beledweyne waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda dadka kunool magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo Ciidamada dowladda ka wadaan degaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Ammaanka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa aad loo adeeyay, waxaana gudaha magaalada lagy arkayaa Ciidamo farabadan oo sugaya Amniga Magaalada Beledweyne.

Waa Safarkii Ugu Horeeyay  uu Gudaha Dalka ugu Ambabaxo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre Tan iyo Markii loo magacaabay Xilka Ra’iisal wasaaraha lana Ansixiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here