
Dhalinyaro Tahriibayaal Soomaali ah oo muddo ah ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah dalka dib loogu soo celiyo.
Dhalinyaradan oo tiradoodu gaarayso 14 qof ayaa markii hore dalka Liibiya ku galay qaab tahriib ah si ay uga sii gudbaan dalalka Yurub balse waxa gacanta ku dhigay Ciidamada Liibiya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sida la sheegay ku guulaysatay in dhalinyaradaas laga soo daayo xabsiyada Liibiya oo ay mudda ku jireen islamarkaana u diyaarisay in dalkooda lagu soo celiyo.
Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaanshi Ciise ayaa sheegay in maxabiistaan dib loogu soo celin doono dalka
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibta ku gala dalka Liibiya ayaa la kulma tacaddiyo kala duwan oo ay ku jiraan xarig iyo jir-dil halka qaarkooda ay badda ku dhintaan markay ka gudbaan dalka Liibiya.