Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo qaabilay Danjiraha Dawlada Shiinaha u Fadhiya Soomaaliya + Sawiro.

0
22

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda China Fea Shengchao

Qaabilaada Wasiirka Warfaafinta ee Safiirka China ee Soomaaliya waxaa ka qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wafaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al Cadaala Waxaana looga hadlay xoojinta Xiriirka Wadashqeyn ee u dhexeeya Safaaradda shiinaha iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Da’ud Aweys ayaa Safiirka shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Safaaradda lagarabtaagantahay Wasaaradda Warfaafinta, isagoo ka codsaday in lasii xoojiyo taageerada iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Fea Shengchao ayaa isagana ballanqaaday in ay xoojinayaa taageerada Safaaradda ay siiso wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here