Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda IOM+ Sawiro

0
35

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ,Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayey madaxa gurmadka deg-degga ah ee Hay’adda IOM oo Maanta Baydhabo gaaray.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimaha Abaaraha iyo sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadka danyarta ah ee ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa  ka qeybgalay Wasiirro, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here