Maxay ka Wada hadleen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ?

0
21

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xukuumadda iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Aaga hore ee gobolka Hiiraan ku komeeray ciidamada qaranka ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay qaar ka mid ah guutooyinkii ka qeyb qaatay dagaalka ayaa ugu horreyn ugu mahad celiyay geesiyada qaranka ee casharka lama illaawaanka u dhigay nabad-diidka.

Jaamac ayaa Ciidanka ugu baaqay inay dhammaystiraan inta yar ee ka hadhay Al-shabaab, wuxuuna faray in dalkaani uusan kusii jirin duruufaha uu haatan ku jiro cadow dambana uusan u afduubnaan.

โ€œWaxaan rabnaa in dalkaan uusan mar dambe u afduubnaan wiilal yaryar oo maskaxda laga soo qalday, ineysan gabar dambe oo Soomaaliyeed u dhibaatoon, wiilka iyo waayeelka Soomaaliyeedna uusan u dhibtoonโ€.

Wasiirka Gaasdhaandhiga ayaa sidoo kale u mahadceliyay ciidankii ka barbar dagaallamayay kuwa xoogga dalka oo u badan dadka deegaanka, wuxuuna sheegay inay mar walba garab taagan yihiin, loona baahan yahay in layska dulqaado arxanlaawayaasha Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here