Ra’iisal Wasaare Xamse oo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qaadi doonto Tallaabo looga jawaabayo Weerarkii Hotel Xayat

0
24

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ballanqaaday inuu dhici doono xisaabtan ku saabsan weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Xayat Hotel ee magaalada Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay dawladdu qaadayso masโ€™uuliyadda wixii ka dhacay Xayaat Hoteel, islamarkaana aysan dawladdu aqbali doonin in wixii ka dhacay Xayaat Hoteel ay mar kale dhacaan.

Hadalka Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa imanaya iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga helayo sida uu u dhacay weerarkii Xayaat Hoteel.

Sarkaal sare oo amniga ka shaqeeya oo codsaday inana magaciisa la sheegin, maadaama aan loo oggolayn inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay inay aamisan yihiin in Al-Shabaab ay sahamiyeen hoteelka ka hor weerarka.

Waxa uu sheegay in laamaha amnigu aamisan yihiin inay maleehsiyada weerarka soo qaadday ay daawadeen muuqallo ku saabsan albaabada laga galo Hoteelka iyo qolalkiisa.

Sarkaalka ayaa sheegayin weerarkaas ay toos ugu lug lahaayeen toddoba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay isku kala qarxiyeen albaabka Hoteelka, mid qarxiyey baabuur, iyo mid saddexaad oo isku qarxiyey askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka kadib markii ay Hoteelka gaareen.

Qaraxan ka dhacay Hoteelka ayaa waxaa ku dhaawacmay sagaal ka tirsan ciidamada amniga oo uu ku jiro taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir Muxiyaddiin Warbac oo la sheegay inuu dhaawac fudud so gaaray.

Qaraxaas ayaa la sheegay inuu dib u dhaac u keenay hawlgalka daqiiqadii u horreeyey ee gurmadka.

Sarkaalkaas ka tirsan laamaha amniga ayaa sidoo kale sheegay inay baarayaan suurto-galnimada in dad horey ugu sii sugnaa Hoteelka inay ku lug lahaayeen weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here