Goobo Ganacsi oo ay leeyihiin dad Ajaanib ah oo boob loogu gheystay Dalka Koofur Afrika

0
34

Wararka ka imaanaya gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in shacab careysan ay boobeen dukaamo ay leeyihiin ganacsato ajaaniib ahoo soomaali ay ku jiraan kaddib markii sida la sheegay nin ajanabi ah uu dilay will 15 sano jir ah.

Rabshadaha ayaa inta badan ka dhacay agagaarka tuulada Schoonoord (iskuunood) ee hoostagta magaalada Jane-Furse (Jeenfoos), halkaasi oo lagu boobay dukaamo ay leeyihiin ajaabiin u badan reer Pakistan.

Arrintan ayaa cabsi ku abuurtay Soomaalida gobolkaasi kaddib markii warbaahinta qaranka ee SABC ay ninka dilka geystay ku sheegtay in uu u dhashay dalka Soomaaliya haseyeeshee ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ayaa arrintaasi beeniyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here