Kooxo Hubeysan oo Magaalada Muqdisho dil ugu geysatay Nabadoon caan ahaa.

0
36

Kooxo ku hubeysan Baastoolado ayaa maanta Suuqa Bakaaraha ee Magaalada muqdisho ku dishay Nin Nabaddoon ahaa oo siweyn looga yaqaanay magaalada, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Nabaddoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Nabaddoon Maxamed Nuur Diiriye ayaa dilkiisa waxaa kasoo baxaya Warar kala duwan, waxaana u tasiyadeeyay Xidhibaano uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Halka lagu dilay Nabadoonka  ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ehelka Marxuumka, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Nabaddoonka oo la geeyay Xarunta Hayโ€™adda dami baarista ee CID-da.

Muddooyinkii dambe waxaa ka jiray magaalada Muqdisho Falal lidi ku ah Amniga iyo dilal loo geysanaayo Dadka Wax tarka u leh bulshada hase โ€˜ ahaatee Ciidamada Dawlada ayaa dhankooda wada Hawlgalo Amaanka lagu xaqiijinaayo

Maalmihii la soo dhaafay waxaa dhowr jeer magaalada mqudisho ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geysanayay askar, Shacab iyo masโ€™uuliyiin dowladeeed, waxana dilalka geysanayay Al-Shabaab iyo Kooxo Burcad ah oo dha u geeysanayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here