Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Magaalada Garowe

0
37

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda gaaro caasimadda Puntland ee Garoowe.

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha, oo uu hoggaamiyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse, ayaa maantaGaaray   Garoowe, si ay u diyaariyaan soo dhaweeyntiisa Madaxweyne Xasan Shiikh .

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Garoowe ayaa la xariira xoojinta wada shaqeynta DFS iyo Puntland, iyo in meesha laga saaro madmadow soo kala dhexgalay dawladda 100 maalmood jirsatay ee uu hoggaamiyo iyo xukuumadda Puntland ee Siciid Deni.

Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Siciid Deni ayaa yeelan doona Kulamo  wada hadal iyo dooddo adag. Saciid DANI  ayaana hordhigaya  Xasan Sheekh sii deynta mashaariic ay ka xayirtay dawladdii Farmaajo iyo wax qeybsiga mashaariicda hormarineed, gargaarka bini’aadantinimo iyo saameynta ay doonayso inay ku yeelato xumnaha Dawlada Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here