Qaramada Midoobay oo mar kale ka hadashay Halista Abaarta ka jirta Soomaaliya

0
54

Qaramada Midoobay  ayaa sheegeysa in Abaarta ay sii kordhayso marba marka ka dambaysa, waxaana meelaha ugu daran ka mida qeybo ka mid ah Soomaaliya oo aan muddo afar sano ah oo xiriir ah aan helin roobabkii la filayey.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay macaluul daran oo ka jirta gobolka Geeska Afrika, taasi oo ay sababeen Abaaraha daba dheeray ee gobalka ka jira.

Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa horay u sheegtay in illaa 22 milion oo qof oo ku kala nool dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya inay soo foodsaartay abaaro iyo gaajo darani, sidokale waxay sheegeen in abaarahaasi ay sababeen in malaayin xoolo ah ay dhinteen, halka illaa Todoba million oo qofna ay guryahooda ka barakaceen si ay u raadsadaan cunto ay ku noolaadaan iyo inay xoolahooda ay u helaan meel ay ugu helaan baad iyo biyo.

Hay’adda WFP ayaa ka digtay korarka ku yimaado tirada dadka abaaruhu ay saameeyeen ee ay hayso gaajada, maadaama la saadaalinayo inay jirto roob yaraan, taasoo noqonaysa sannadkii shanaad ee aan la helin roobabkii la filayey.

WFP ayaa sheegtay in si degdega loogu baahan yahay illaa $416 milyan si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, illaa dhammaadka sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here