Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir maxamed Nuur Jaamac , Taliyaha Ciidanka xoogga iyo Saraakiil kale oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa kormeeray Furimaha ay ku suganyihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda kuwaasi oo dagaal kula jira Alshabaab.
Taliyaha Ciidanka dhulka Jeneral Maxamed Tahliil biixi ayaa ciidanka ku dhiiro galiyay howlgalka iyo dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowa Yuusuf Raagge ayaa Ciidanka uga mahad celiyay dedaalka ay ka wadaan gobolka hiiraan oo Alshabaab ay uga saareen deegaanno hoosataga dagmooyinka Maxaas Matabaan iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyn wasiirka Gaashaandhigga ayaa dardaaran u jeediyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan jiidaha hore ee Gobolka Hiiraan.