Duqa Kismaayo oo ka digay in laga horyimaado Muddo Kororsiga Madaxweynaha Jubland

0
44

Maayarka magaalada Kismaayo  Cumar Cabdullaahi Maxamed Farawayne ayaa digniin ujeediyay siyaasiyiin uu sheegay abuurayaan carqalad ka dhan ah muddo kordhinta loo sameeyay madaxweynaha Jubland  Axmed Madoobe.

Duqa Magalada Kismaayo Cumar Farawayne ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin inay difaacayaan mabda’a dowladnimada Jubbaland ‘ Wuxuuna  sheegay in si qaldan loo turjumay hal sano oo lagu kordhiyay muddo xilleedka madaxweynaha Jubbaland.

Duqa magaalada Kismaayo ayaa  sheegay in Jubbaland inay si lamid ah dowlad goboleedyada kale ee dalka qaadatay mowqif ah inay shan sano ka dhigto muddo xilleedka madaxweynaha, taasoo sida uu sheegay ay la jaanqaadayso jihaynta siyaasada Soomaaliya.

Arrintaas hala iska daayo waa ceeb. Haddii arrintaas billaabatana nin walba waa isdifaacayaa’  Hadii makarafoonada bataan nin walba kitaabkiisa qoorta loo surayaa,” ayuu yiri Cumar Farawayne.

Barlamaanka Jubbaland ayaa dhawaan hal sano u kordhiyay madaxweyne Axmed Madoobe oo tobankii sano ee lasoo dhaafayay maamulayay Jubbaland gaar’ahaan <Magaalada Kismaayo iyo degaanada kale gobolka Jubada Hoose. Laakiin waxaa arrintan ka horyimid Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo iyo xubno ka tirsan d Golaha wakiillada Jubbaland .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here