Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo wasiir ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

0
31

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Khilaaf uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo wasiiru Dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Ilyaas Cali Xasan .

Khilaaf ayaa ka dhashay balan-qaad uu dhawaan wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Ilyaas Cali Xasan u sameeyey bulshada uu metelo ee ku nool degmada Buurhakaba  uu ka soo ka tirsan gobolka Baay.

Khilaafkaas ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Wasair Ilyaas Cali Xasan ayaa la xiriira masuuliyiinta maamulkii uu u magacaabay degmada Buurhakaba iyo xubno kale oo Koonfur Galbeed xilal ka haya.

Wararka ayaa sheegaya Khilaafka uu uu ka dhashay balan-qaad uu Wasiir  Ilyaas Cali Xasan u sameeyey bulshada degmada Buurhakaba oo Al-Shabaab u goโ€™doonsan sanado badan, isla markaana aan laheyn garoon diyaaradeed, maamul ay soo doorteen ama gole deegaan, sidoo kelena aan la gaarsii karin wax gargaar ah.

Bulshada uu ku  matalo  Degmada Buurhakaba Wasiir Ilyaas Cali Xasan ayaa dhawaan Magaalada Muqdisho ugu sameysay xaflad soo dhaweyn ah, markii loo magacaabay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, Waxaa uuna ka balan qaaday inta uu joogo xafiiska inuu gacan ka gaysan doono in magaalada Buurhakaba ay yeelato maamul iyo dhismaha garoon diyaaradeed, maadama ay degmadaas Al-Shabaab goโ€™odoomiyeen oo xitaa uusan jirin qaab gargaar loo gaarsiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here