Ma Run baa in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu Hoos u dhigay Maqaamka soo dhaweeynta Wafdiga Madaxwerynaha Soomaaliya ee gaaray Maanta Garowe?

0
27

Iyadoo โ€˜ Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  uu maanta gaaray Magaalada Garoowe, ayaa waxyaabaha dhaliisha ah ee soo baxaya , kuwaas oo muujinaya in PL heerka soo dhaweynta oo dhan ay hoos u dhigtay si buuxda ama isfahamka labada dhinac heerka uu joogo, marka loo eego sidii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogu soo dhaweeyey Dhuusa-Mareeb iyo Baydhabo.

Ugu horrey Madaxweyne Xasan sheekh lama socon Safarkii maanta Garoowe uu ku tagay , xildhibaano ama wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ee kasoo jeeda Puntland, marka laga reebo Wasiirka arrimaha dibada uga sii horeeyay Magaalada Garowe.

Sidoo kale โ€˜Astaanta Qaranka iyo Salaan ciidan midna looma saarin.

 Tan Xigta Qeybta VIP-da Garoonka diyaaradaha ee Garowe laguma soo dhaweyn wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh, lamana fariisan iyadoo toos loo aaday magaalada.

Markii uu soo dagayMadaxweyne  Xasan oo uu dadka salaamayey Deni iyo Karaash waxay fuuleen baabuurtooda (Uma raacin xagga dadka).

Ugu dambeeyntii โ€˜ Dad aad u kooban oo garoonka la keenay ayay Salaan ugu tageen Madaxweyne Xasan iyo wasiirkiisa arrimaha dibada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here