Shir looga hadlayo Sameynta Xeerka Booliska Jubbaland oo maanta kismaayo ka Furmay+ Sawiro

0
30

Wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal) ayaa daahfuray kulan looga hadlayey sameynta xeerka booliska Jubbaland oo lagu qabtay magalada Kismaayo.

Kulankan oo ay qaban qaabisay Wasaaradda amniga Jubbaland waxaa kasoo qeyb galay ururada bulshada rayidka qeybahooda kala duwan, masuliyin ka kala socday hay’adaha dowladda iyo marti sharaf kale.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay sameynta xeer hoosadka booliska Jubbaland si loo helo Boolis Ku shaqeeya Sharci iyo kala dambeyn, kaas oo noqon doono mid ay ku dhaqmaan booliska qaybahooda kala duwan.

Kulanka waxaa fikrado ku saabsan xeerka booliska soo jeediyey bulshada qeybahooda kala duwan ee ka soo qeyb galay kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here