Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa macweysleyda oo iskaashanaya oo mudooyinkii u dambeeyay howlaglo Ka Dhan Ah Al Shabaab kawaday qaybo kamid Ah Gobolka Hiiraan ayaa maanta howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaanno badan oo dhawaan laga saaray Al Shabaab.
Howlgalka ayaa Waxaa Si Wadajir ah U Hogaminayay Guddoomiye ku Xigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadey, Gudoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Cali Cismaan Xuseen iyo Gudoomiyaha Degmada Baledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuuboow Sidoo Kale waxaa Qeyb Ka Ahaa Hogaanka ciidanka dib u xorenta deegaanka Gobolka Hiiraan.
Deegaanada Ciidamada howlgalka ka sameeyeen waxaa ka mid ah Tulooyinka Calolacad, Shiilo Gaduud, Hoyan oo dhamaantood hoostaga Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo dhawaan Ciidamadu ay ka saareen Al shabaab.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee Ciidamada dawlada Federaalka iyo kuwa Macawisleeyda ay ka sameeynayaan gobolkaasi