Dalalka Afrika Qaarkood oo la sheegay in Dadkooda ay Halis Ugu Jiraan in ay u geeriyoodaan Macluul Awgeed

0
43

Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka ee loo soo gaabiyo Magaceeda (WMO) ayaa shaacisay in Abaartii ugu xumayd ee soo marta Geeska Afrika in ka badan 40 sano ay ka taagantahay qeybo kamid ah gobolka, kadib markii la helay saadaasl muujineysa in bilaha Oktoobar iyo Disembar ay suurtagal tahay inay halkaasi ka dhacdo banii’aadnimo tii ugu xumeed.

Hay’adda WMO ayaa Tilmaamtay walaacii hay’adaha gargaarka ay ka muujinayeen bilihii lasoo dhaafay khatarta ka dhalan karta abaarta ka jirta dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah Kenya.

“ Dadka ku nool dalalka Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, waxay qarka u saaranyahiin masiibo bini’aadantinimo oo aan horay loo arag,” ayuu yiri Guleid Artan, agaasimaha Xarunta Saadaasha Cimilada ee Urur ICPAC.

Abaarta ayaa kusoo beegantay iyadoo caalamka uu sare u kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka, taasi oo loo sababeeynaayo dagaalka ka socda dalka Ukraine, oo saameeyay qeybo ka mid ah Afrika.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa horay u sheegtay in dad ka badan 80 milyan oo qof oo ku nool toddoba waddan oo ay kamid yahiin Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda, ay haysato cunto yari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here