Dhageyso: Askari qof shacabka ahaa ku dilay Muqdisho iyo Wadayaasha Gaadiidka Xumuulka oo dibad bax dhigay+ Ujeedo

0
51

Askari ka tirsan ciidanka Federaalka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa qaada lacagaha Canshuurta ee loo yaqaano Minishiibiyada ayaa goordhaw dil u geystay mid ka mid ah Darwalada kaxeeya gaadiidka waaweyn ee Xamuulka qaada gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka loo geystay Darwalka ayaa ka dhacay wadada hormarta Iskuulka 21- Oktoobar ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dilka ka hor askariga dilka geystay iyo Marxuumka dhintay uu dhexmaray murun kooban xili la tilmaamay in wadada uu ka jiray mashquul aad u xoogan ama jaam, waxaana ugu dambeyn murunka sababtay in askariga uu dhowr xabadood ku dhufto Darwalka gaariga.

Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka ee ka shaqeya dekadda weyn ee magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askariga uu Darawalka u dilay lacag laaluush ah oo uu doonayay inuu siiyo, xilli uu gaariga Canshuurnaa, islamarkaana darawalka uu watay warqado cadeyn ah.

Wadayaasha gaadiidka ayaa dilka Marxuumka kadib mudo kooban xirtay wadada hormarta Iskuulka 21-ka Oktober, waxayna madaxweynaha iyo dowladda ka dalbadeen inay sharciga horkeenaan Askariga dilka geystay oo goobta ka baxsaday, iyagoona intaas kusii daray inay cabasho ka yihiin askarta dowladda ee ku sugan baraha koontaroolada qaar oo ay sheegeen inay ka qaadan lacag sharci daro ah.

Ugu dambeeyntiiโ€™ Dilalka loo geysto Darawalada gaadiidka ku dhex kaxeeya gudaha magaalada Muqdisho ayaa inta badan ka dhasha murun iyo isfaham waa soo kala dhex galo lacago loogu yeero birqaad oo ay wadayaasha qaar diidaan iney baxshaan, taasoo sababta in mararka qaar naftooda loo dhaafiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here