Dhageyso: Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo soo dhaweeyay Waan waanta laga dhexwado Xukuumadda iyo Mucaardaka Soomaaliland

0
45

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xisbigiiga uu oggol yahay in muddo kordhin farsamo ah loo sameeyo xukuumadda Somaliland.

Gudoomiye Faysal Cali waraabe ayaa dhanka kale soo dhaweeyay talooyin ay Khamiistii soo jeediyeen guddi ka kooban ganacsatada Somaliland oo soo jeediyay in doorashada madaxtooyada iyo tan ururada ay mar qura wada dhacaan.

Dhinaca kale’ Xisbiga Waddani oo marar badan sheegay in aanu aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaan dhankiisa weli ka hadlin talooyinka guddiga ganacsatada ah ay ka soo jeediyiin xallinta khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here