Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali oo uu iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Maxamed Waloore ayaa ku wareejiyey Maamulka Galmudug deeq Raashin iyo Shidaal isugu jirta oo loogu talagalay in looga qayb qaato dagaalka ka dhan ka ah Alshabaab Deegaanada ka haysta Galmudug.
Hase’ ahaatee ‘ Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug iyo ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug ayaa yaa Deeqdan kala wareegay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Faysal Sheikh Cali., sidoo kale munaasibadaan waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa sheegay in ahmiyada 1aad ee hogaamintiisu siindoonto ladagaalanka Alshabaab, isagoona umada Soomaaliyeed ugu baaqay in laga hortago cidkasta oo aragta wax lidi ku ah amniga




