Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Yuusuf Bakiit Raxma oo ah Madaxa Bariga Africa ee Hay’adda Boqor Salmaan oo Maanta Baydhabo soo gaaray.
Madaxweyne Laftagareen oo qaabilaada ay ku wehlinayeen Wasiiro,Agaasimaha Madaxtooyada,Gudoomiyaha Degmada iyo Madax kale ayaa looga Hadlay Arimaha Saamaynta Abaaraha iyo sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa Bulshada Saamaysay Abaaraha ee ku nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.




