Maxay ka Arinsanayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland?

0
30

Madaxweynaha Dawlada Federaalka  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa wadahadal kula jira madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli ay 100 maalmood u buuxsantay dowladda Xasan Sheekh, tan iyo markii xilka loo dhaariyay.

Madaxwenaha ayaa markii la doortay safarro ku tagay qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka kooban tahay dowladda federaalka ee Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa socdaallada ay madaxtooyada ujeeddadooda ku sheegtay kuwo lagu xoojinayo wadashaqeynta gudaha.

Waxaase durba soo baxay in ay jiraan arrimo ay Puntland ka tabanayso dowladda dhexe, iyadoo la xasuusto khilaafkii muddada dheer socday ee u dhaxeeyay madaxda Puntland iyo dowladdii madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland ay xalay yeesheen kulan ay albaabbadu u xirnaayeen.

“Madaxweynuhu waa kii shalay yimid Puntland. Soo dhawayntii kaddib madaxweyneyaashu waxay yeesheen kulan oo ay labadooda keli ku ahaayeen. Waxaan qiyaasayaa inay ka wada hadleen si wax la isula dhaadhaado inta aanu kulanka ballaaranin,” ayuu yiri.

Wasiirka oo hadalkiisa uu ka muuqday in Puntland aysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo ayaa sheegay in ay dowladda federaalka ka doonayaan dhowr arrimood.

Munaasabaddii xuska maalinta xorriyadda ee 1-dii July ayuu Siciid Cabdullaahi Deni ka sheegay in maamulkiisa Puntland uu si buuxda u taageersan yahay dowladda federaalka, uuna la shaqayn doono.

Deni ayaa ka mid ahaa murashaxiintii ugu cadcaddaa ee u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo loo arkayay in uu aad ug dhawaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu dowladdiisii hore kasoo noqday Wasiirka Qorsheynta.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee ay hadda mas’uuliyiinta Puntland ku dhaliilayaan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa “wadashaqayn la’aan”, sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedkaas.

“Puntland waxay dowladda dhexe ka rabtaa wadashaqayn buuxda. Mas’uuliyiin baa laga soo doortaa maamullada oo dhan, oo goleyaasha dowladda ku jira, sida Golaha Shacabka iyo Aqallka Sare. Waa inay dowladdu u oggolaato matalaad ay dadkii yeeshaan oo ay ku matalaan heshiisyada la gaarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here