Dhageyso: Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday Xaafado ka Tirsan Magaalada Baladweyne

0
38

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maanta booqday xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee cusbitaalka guud ee Magaalada oo ay ka socotay dayactir kadib burbur kasoo gaaray qaraxyo horaantii bishii maarso ka dhacay Magaalada Beledweyne, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday cusbitaal cusub oo dhismihiisa heer gabo gabo ah maraya oo laga hirgalinayo galbeedka Magaalada Beledweyne, kaas oo wax badan kusoo kordhin doona adeegyada caafimaad ee Magaalada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn socod lug ah kusoo maray qeybo kamid xaafadaha Magaalada isagoo bulshada ugu baaqay inay adkeeyaan nabada iyo xasiloonida ayna la shaqeeyaan laamaha amniga.

Wasiirka Amniga Hirshabeele Maxamed Abdirhaman Khayre ย ayaa kawarbixiyay kulanka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here