Heshiis laga gaaray dagaal Beeleed ka dhacay degaano ka Tirsan Gobolka Galgaduud

0
50

Warrarka laga helayo gobolka Galgaduud , ayaa sheegaya in la kala dhexgalay laba malaeeshiyo beeleed ku dagaalamay, deegaanno hoostaga tuulada Labagalle oo hoostagta degmada Caabduwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa gaaray halka dagaalku ka dhacay, waxayna waanwaan ka dhex bilaabeen maleeshiyada dagaalantay.

Dagaalladii shalay dhacay waxa ku dhintay dad ka badan toban qof, iyadoo dhaawucuna kor u dhaafayo labaatan kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here