Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya oo qaabilay Wakiilka Bankiga Aduunka ee Soomaaliya + sawiro

0
49

ย Wasiirka Wasaarada Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta qaabilay Wakiilka Bangiga Aduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson.

Wasiirka Maaliyadda iyo Wakiilka Bangiga Aduunka ayaa ka wada hadlay hannaanka dib u habeynta maamulka Maaliyadda iyo horumarka Soomaaliya ka sameynayso.

Wasiirka Maaliyada ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Face Book ku yiriโ€ Waxa aan maanta shir muhiim ah oo miro-dhal ah la qaadanay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo wafdigii ay hogaaminaysay oo nagu soo booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda. Waxa aan ka wadahadalnay qorshaha socda ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo mashaariicda taageerada ah ee Bangiga uu ka fuliyo gudaha Soomaaliyaโ€.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here